Daawo:Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya ayaa daahfuray Shirweynaha Qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo inta uu socdo diiradda lagu saari doono caqabadaha haysta dhalinta. Shirkan ayaa waxaa soo agaasimey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha,

waxaana ka soo qayb galay dhalinyaro Soomaaliyeed oo isaga kala yimid gobollada dalka, Xildhibaano, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dhalinyarada oo safarkeedii ugu horeeyey ku timid Soomaaliya iyo qaar kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.