Maleeshiyadii Mukhtaar Roobow ee Abal oo Abaabulaya dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Wararka naga soo gaarayo gobalka Bakool ayaa koofur Galbeed ee Soomaliya ayaa soo sheegayo in ay halkaasi ka jitro xiisad dagaal iyo Abaabul ay wadaan Ciidamo taabacsan Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo shalay dagaal culus la galay Al-Shabaab.
Goob joogayaal ku sugan deegaanka Abal ee gobalka Bakoo ayaa  xaqiijiyay in ay halkaasi ka socoto dhaq dhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan ilaa 3 ciidan oo kala maleeshiyada Abuu Mansuur iyo Ciidamada Xoogga iyo Ciidamo ka tirsan Milatariga Itoobiya oo soo gaaray Abal maalmihii la soo dhaafay.
Abaabulka dagaal ee maanta ka socda gobalka Bakool ayaa daba jooga dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Abal oo muddo ka badan 3 sano saldhig u aheyd Shiikh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur”
Shiikh Mukhtaar Roobow ayaa Dagaalkii shalay ku waayay dagaalamayaal badan uu ka mid ahaa Wiilkiisa C/llaahi Shiikh Mukhtaar Roobow iyo Taliyihii Maleeshiyada Abuu Mansuur, wararka laga helay Taliyaasha Ciidanka ayaa sheegaya in caro ka dhalatay dilka dagaalamayaasha Abuu mansuur ay sabab u tahay abaabulka maanta halkaasi ka socda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.