Daawo:Gaalkacyo oo laga qaaday Isbaaradii Taalay

Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliyeed Cabdi-wali Jaamac Gorod iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta ku guuleystay in ay furaan wadooyinkii ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.
Wadooyinka la furay oo muhiim u ahaa isku socodka magaalada iyo ganacsiga Gaalkacyo ayaa ku xirmay dagaalkii dhawaan ka dhacay Suuqa ganacsiga ee Gaalkacyo kaas oo dhaxmaray maleeshiyo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.
Waan waan maalmahaan ka socotay Gaalkacyo oo garwadayn ka ahaa Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa keentay in la furo wadooyinkaan sida uu sheegay Taliyaha Xoogga Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.