Golaha Wasiirada Soomaaliland oo Goor-dhaw lagu dhawaaqayo.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu magacaabayo Golaha Cusub ee Wasiirada Soomaaliland ayaa hada ka socota Madaxtooyada Soomaaliland halkaas oo ay goob joogyihiin Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Madaxda Soomaaliland.
Wariyiyaasha Soomaaliland ayaa goor-dhaw gaaray Xarunta Madaxtooyada waxayna soo sheegayaan in ay sugayaan ku dhawaaqista Golaha Cusub ee Wasiirada sida ay u sheegeyn Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliland.
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo la doortay 32 cesho ka hor ayaa sheegay in uu soo dhisi doono Gole Wasiiro oo ka tira yar dhamaan Xukumadihii Soomaaliland Islamarkaana leh Tayo iyo waayo aragnimo.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay lagu caleema saaray Hargeysa, waxaana Xafladda Caleema saarkiisa ka qeyb galay Madax badan oo ka timid meelo kala Duwan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.