D.F.Soomaaliya” waxaan helnay magaca ninkii ka dambeeyay Qaraxii Iskuul Buluusiya”

Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa goor-dhaw ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho waxaana looga hadlay qaraxii sababay dhimashada iyo dhaawaca badan ee maanta ka dhacay Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.
Golaha wasiirada ayaa sheegay in ay haayaan xog dheeraad ah oo ku aadan weerarkii ay ku dhintay ugu yaraan 18 qof oo u badan Ciidanka Booliska Soomaaliya sida uu u dhacay iyo magaca qofkii ka dambeeyay weerarkaasi.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha C/llaahi Xaamud oo markii uu kulanka Golaha wasiirada soo dhamaaday Wariyiyaasha la hadlay ayaa sheegay Dowladda ay heyso faah faahin hor dhac ah oo ku aadan ruuxii fuliyay weerarkan.
Xukumadda Soomaaliya ma sheegin magaca qofkii ka dambeeyay weerarka iyo faah faahinta ay haayaan balse waxay sheegeyn in ay Saxaafadda la hadli doonaan markii ay soo dhamaato baaritaanka ay wadaan Laamaha amaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.