Gen. Gorod oo ka hadlay weerarkii Gen. Kaahiye

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ka tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saakay ka dhacay barxada hore Dugsiga tababarka ee Genraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa Ehalada iyo asxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay Askartii ku dhimatay Qarax Qof naftii halige ah oo saakay ka fuliyay barxada Dugisga tababarka Generaal Kaahiye, isagoo sidoo kale dadkii ku dhawaacmay Eebe uga baryay inuu si dhibyar ugu boogo dhayo.

Wuxuuna Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay Ciidamada ammaanka mar walba in ay ka feejigan yihiin weerarada ururka Al-shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.
Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isku diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.

Si dhab ah looma oga sida uu xerada Genaral Kaahiye oo amnigeeda aad loo ilaaliyo uu ku soo galay Ismiidaamiyaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.