Bajaajle lagu dhaawacay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaawac culus u geystay mid ka mid ah Wadayaasha Mooto Bajaajta ee magaalada muqdisho.

Falkan dhaawaca loogu geystay wiilkan dhalinyarada ah ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Agagaarka Bulaalayaasha ee degmada Xamar weyne .

Wadaha Mootada ayaa la sheegay xabadda in ay uga dhacday qoorta isagoo garaab ahna goobta laga qaaday .
Lama oga sababta rasmiga ah ee falkan ka dambeysay balse dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in ay murmeen Askariga iyo wadaha Mootada, waxaana durba goobta isku gedaamay ciidamada ammaanka .

Inta badan falalka nuucaan oo kale ah ayaa waxa ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, waxaana Askarta ay si kas ah ugu gardaroodaan dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada ka shaqeysata Mooto Bajaajta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.