NUSOJ oo u Dabaal Dagtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha”Sawiro”.

nusoj

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay looguna tala galay dabaal dega xuska 10-ka Desember ee ku asteysan maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka Adduunka, uuna soo qaban-qaabiyay ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munasaabadi xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen madax kala duwan ayaa hadal uu halkaasi uu ka soo jeediyay Xoghayaha Guud ee ururka Nusoj ahna masuul ka tirsan Hay’adda saxafiyiinta caalamka ee IFJ Cumar Faaruuq Cusmaan waxa uu si qoto dheer uga war-bixiyay muhiimada ay leedahay maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, waxaana uu ku nuux-nuuxsadey in qof walba ay waajib ku tahay illlaalinteeda, isagoo soo jeediyay inay lagama maarmaan tahay sidii loo dhawri lahaa xuquuqda uu muwaadin walba leeyahay.

 

Xoghayaha Guud ee Gudiiga Xuquuqul Insaanka Golaha Baarlamaanka Federaalka Drs. Maryan Axmed Haaruun oo munaasabadaasi khudbad kooban ka soo jeedisay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay ka soo qeyb galkeeda xuska 10-ka Desember, waxaana ay carrabka ku dhuftay in Baarlamaanka ay ka go’an tahay illaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, iyadoo kula dar-daarantay qeybaha kala duwan ee Warbaahintu inay u hawl-galaan sidii ay dhankooda uga dhawri lahaayeen shuruucda Wadanka iyo illaalinta xuquuqda dadkooda.

Ku simaha Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta Nusoj Cabdi Aadan Guuleed {Caan geel} iyo Rowda Cabdi Xasan oo ku hadlaysay magaca Naadiga Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa ka sheekeeyay taariiq ahaan sida ay ku timid maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, waxaana ay soo dhaweeyeen sida wanaagsan oo ay Nusoj ugu dabaal degtay maalintaasi.

Khudbadahaasi kadib ayaa halkaasi waxaa ka bilowday Aqoon isweydaarsi looga hadlayay qaabka ugu haboon ee loo dhawri karo xuquuqul insaanka, waxaana doodii aqoon iswadaagaasi ka qeyb qaatey ka qeyb galayaashii munaasabadaasi oo ka kala socday rugaha ay ka kooban tahay Warbaahinta Soomaaliyeed. Sannad walba marka la gaaro 10-ka Desember ayaa caalamka waxaa looga dabaal degaa maalinta caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, Qaramada midoobay ayaa maalintaan u aqoonsatey inay noqoto maalinta xuquuqul insaanka Adduunka.

nusoj nusoj nusojnusoj

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.