Rag Shabaab ka tirsanaa oo lagu dilay Gobolka Baay

Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa weeraray Saldhig Ururka Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka Degmada Buurhakabo ee Gobolka Baay.

Dagaal halkaasi ka dhacay shalay galab ayaa waxaa lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kadib markii ay isfara saareen ciidamada Koonfur Galbeed iyo Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinta u sheegay dagaalkaasi inay ku dileen laba xubnood oo ka tirsan Al Shabaab.
Wuxuu sheegay in sidoo kale ciidamada Koonfur Galbeed ay soo furteen qoryo ay ku dagaalamayeen Shabaabkii ay dileen sida uu xaqiijiyay Sarkaalkaasi.

Ciidamada Koonfur Galbeed oo ka ambabaxay Magaalada Buurhakabo ayaa dib ugu soo laabtay Magaaladaasi, kadib dagaalkii ay ku qaadeen Shabaab.

Al Shabaab kama aysan hadlin illaa hadda labadan askari ee looga dilay dagaalka dhexmaray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.