Ciidamo dowladda ka tirsan oo Muqdisho ku dagaalamay

Ciidamo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo shalay iyo maanta ku muransanaa dhul ku yaalo aagga Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, ayaa halkaasi ku dagaalamay.

Ciidankaan oo hab beeleed u abaabulan, ayaa kala difaacanaayay dhul ku yaalo nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka, waxaana la sheegay ciidamadan inay ka tirsan yihiin ciidamada Militariga.

Wararka ayaa sheegaya in goobta dagaalka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya, kuwaasi oo isku dayay inay kala dhex galaan ciidanka dagaalamay, balse waa ay kala celin waayeen.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ciidamada dagaalamay ay iswaydaarsanayeen, balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.