Ciidamada Dowladda oo Saakay Baaritaano ka wada Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Saakay Baaritaano kala duwan ka wada Xaafadaha kala Duwan ee Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada ayaa Saakay lagu Arkayaa Labada Qeybood ee Magaalada Afgooye,kuwaas oo Baaritaano ku sameynayo Dadka iyo Gaadiidka intaba.
Baaritaanka ka socda Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa imaanaya Xilli Xalay Magaalada Afgooye lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Maalmo ka hor ayaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya waxaa ay Degmada Afgooye ku qabteen Labo Nin oo la sheegay in ay yihiin Al-shabaab dilalna ay ka geysteen Magaalada Afgooye

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.