Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Degaanka Af-urur Ee Gobolka Bari

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari Ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Weerar ku qaadeen Degaanka Af-urur Ee Gobolka Bari oo Fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland.
Ciidamada Maamulka Puntland iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa waxaa dhex maray Dagaal Mudo Kooban socday,waxaana Labada Dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland Ee ku sugan Af-urur ayaa Warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay Weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen Ciidamada Puntland oo ay iska Difaaceen.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegay in Weerarka ay ku qaadeen Ciidamada Puntland ay ku dileen tiro ka mida Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan Degaanka Af-urur.
Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Weeraro kala duwan ku qaaday Degaanka Af-urur Ee Gobolka bari,waxaana Weeraradas ka mid ahaa Qaraxyo is xig xiga oo ka dhacay Degaanka Af-urur.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.