Ciidamada Puntland oo Saakay Baaritaano ka bilaabay Degaanka Af-urur ee gobalka Barri

Wararka Naga soo gaaraya tuulooyin u dhow degaanka af-urur ee gobalka barri ayaa sheegaya in saakay ciidamada amaanka puntland ay howlgalo ka wadaan degaankasi,kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada puntland ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Saraakiisha Amaanka puntland ayaa sheegay in saakay ku baxeen degaanka af-urur ee gobalka,si halkaasi ay ugu saaraan dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa ay saraakiisha Xaqiijiyeen in Dhawaan ay weerar ku qaadi doonaan Dagaalamayaasha Daacish iyo Al-Shabaabka ku sugan buuraha galgala,calmadow iyo degaano kale oo ka tirsan gobalka bari,maadaama halkaasi ay ku dhuumaaleysanayaan.
Xaalada degaanka af-urur ayaa saakay ah mid degan,marka laga reebo howlgalka ay ciidamada Amaanka Puntland ay howlgalo ka wadaan degaankaasi.
Mana jirto ilaa iyo hada cid loo soo qab-qabtay howlgalka ay wadaan ciidamada amaanka puntland.
Wixii ku soo kordha la soco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.