Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya duqeyn ka dhacday Sh/Hoose.

diyarad

Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ku qaadeyn Gaari nuuca weyn oo marayay deegaan ka tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ay Diyaarado ay duqeeyeen Gaari marayay deegaanka Ilimey oo ka tirsan Shabeelaha Hoose waxaana Gaarigaasi la sheegay in ay ku rarnaayeen Waxyaabaha qarxa oo loo soo waday magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in ay jirto duqeyntaasi Islamarkaana la duqeeyay Gaari ay saarnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo doonayay in ay Qaraxyo ka geestaan Muqdisho.
“Waxaan maqalnay Qarax weyn oo ka dhashay duqeyn diyaaradeed oo lala eegtay Gaari marayay Tuulada Ilimey, kadib waxaa maqalnay Qaraxyo kale oo gaariga ka dhax dhacay oo dhowr xabo ah, waxaan u fahanay in ay sii qarxeyn waxyaabo Gaariga saarnaa” sidaas waxaa yiri qof ku sugan Tuulada Ilimey ee Shabeelaha Hoose una dhaw deegaanka Toora-toorow.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.