Madaxwaynaha soomaliya ayaa guddoomiyay shirka hannaanka dib u eegista Dastuurka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista Dastuurka oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaana  ka soo qeyb galay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxwehnayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha Dastuurka ee labada aqal.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha Dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.

Dib u eegista Dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad Lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.