Madaxweyne Farmaajo “Dowladda waxaa ka go’an dhismaha Ciidan Qaran oo tayo leh”

Shirkan oo muddo labo maalmood ah soconaya ayaa Soomaaliya iyo Beesha Caalamku waxa ay dib u eegid ku samaynayaan qorshayaashii ka hirgalay shirkii Soomaaliya ee London, hirgalinta qorshaha qaab-dhismeedka Amniga Qaranka oo haatan ay meel wanaagsan maraya howlaha isku dhafka Ciidanka iyo sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ula wareegi lahayd amniga dalka kaddib markii uu soo gaba-gaboobo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay dhankooda si mug leh u buuxiyaan kaalinta ay maanta Soomaaliya ka sugayso, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Waxaa noo muuqata ifafaallo ku aaddan Soomaaliya oo xor ka ah argagixisada, dhammaanteenna taas ayaan ka midaysannahay oo aan ka leenahay qorshe midaysan, beesha caalamkana waxa aan ka doonaynaa in ay si buuxda uga  soo dhalaasho ballan qaadyadii Shirkii London.”

Madaxdka iyo masuuliyiinta ka soo qayb galay Shirweynaha Amniga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa Raiisul Wasaaraha dalka, Raiisul Wasaare Kuxigeenka, Xubno ka mid Golaha Wasiirrada, Madaxweynayaasha Dowladda Goboleedyada,Guddoomiyaha Gobolka Benaadir.s Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirrada dalalka shisheeye ee Soomaaliya, Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya, wufuud ka kala timid caalamka iyo hoggaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Afrika ee AMISOM

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.