Golaha shacabka oo ansixiyay Xubin ka mid noqon doonta Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka

barlaman

Xildhibaanada Baarlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ayaa ansixiyay xubin ka mid noqon doonta  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Golaha Shacabka Jamuuriyada Fadaraalka marki uu furmay kulankooda waxaay cod aqlabiyadleh ku ansixiyeen xubinnimada Muumino Shiekh Cumar, oo noqoneysa Xubin ka mid ah Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Muumino Sheikh Cumar ayaa lagu wadaa iney marto xildhibaanada  Aqalka sare si ay iyagana u ansixiyaan markaasi oo ay noqon doonto xubin buuxdo oo ka mid ah  Gudiga madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka.

Muumino Sheikh Cumar oo ka mid ahayd Xildhibaanadii hore ayaa dhawaan waxaa sidan oo kale soo meel mariyay Xubinnimadeeda Guddiga Madaxa banaan ee hirgelinta iyo dib u eegista dastuurka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.