SAWIRRO: 8 Xisbi oo si rasmi ah isku diwaangeliyay

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Maanta ku dhawaaqay in si rasmi ah shahaadooyinkooda aqoonsiga  loo  siiyay 8 xisbi siyaasadeed, waxaana Munaabsad arintaasi ku saabsan lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabaddaasi , Wasiiro, Xildhibaano iyo Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

48 Sano kaddib ayey sheegtay Gudoomiye Xaaliimo Yarey in Soomaaliya ay ka hirgelinayaan nidaamka axsaabta badan,iyada oo Xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda la doonayo in ay xisbiyo ka soo galaan halka hadda ay keenaan Odayaasha Qabaa’ilka Soomaaliyeed.
Waxa ay sidoo kale tilmaamtay in ay muhiim tahay In xisbiga xaruntiisa dhexe ay noqoto Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu laamo ku leeyahay Guud gobolada Soomaaliya.

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa 2016kii meel mariyay sharciyada axsaabta dalka,waxaana Xisbiyada lagu soo rogay shuruudo uu xisbiga ku noqon karo xisbi la aqbalo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.