Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe oo degmada cadale u tagay ka qeyb galka shir lagu heshiisiinayo beelo dagaalamay.

Gudoomiyaha gobalka Shabeelaa Dhexe Axmed Meyre makaraan  ayaa xalay ku hoyday degmada caddale ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Maanta shirka lagu heshiisiinayo Beelihii ku dagaalamay deegaano hoos taga dagmada cadale uu ka furmo degmadaasi, kuwaas oo horay heshiis hordhac ugu gaaray jowhar, balse loo balamay in hishiiska ugu dambeeya lagu gaaro dagmada cadale gaar ahaan deegaanka burdheere oo ah halkii ay ka bilaabatay colaada labada beel oo ah mid mudo badan soo taagneyd.
Waxaana lagu soo waramayaa in Maanta qorshuhu uu yahay gudoomiyaha gobalka shabeelaha dhexe uu kulamo la qaato odayaasha dhaqanka ee ku nool degmada cadalle ee gobalkaasi.
Dadka Deegaanka cadale ayaa aad u soo dhaweeyay gudoomiyaha gobalka shabeelaha dhexe,kadib markii uu soo gaaray degmaasi.
Shalay ayay aheyd markii wafdi uu hogaaminayay gudoomiyaha gobalka shabeelaha dhexe iyo saraakiil ciidan ay tagay degmada degaanka ceel macaan iyo degmada warsheekh,kadib markii la sheegay in kooxo maleeshiyaad ah ay dhac u geysanayaan gaadiidka iyo dadka degaanka,xili howlgal ka dhan ah maleeshiyaadkiisa ay ciidamada xoogga ay bilaabeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.