Wasiirkii Labaad ee Hirshabeelle oo is casilay iyo Kulamo ka soconaya Jowhar.

Muxsin Muxumed Sheekh Shafeec oo ahaa Wasiiru Dowlihii Amniga & Dhaqancelinta Hirshabelle kana tirsanaa xubnihii la soo magacaabay 29-kii bishii November ee sanadkaan ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ku magacaawnaa.
Muxsin ayaa sheegay is casilaadiisa sabab u tahay in uusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay beeshiisana ay kula talisay in uu iska casilo xilkaasi kadib la tashiyo uu la sameeyay dhaqanka iyo Xildhibaanada ugu jira Hirshabeelle.
Waa wasiirkii Labaad ee iska casila xilkii uu ku magacaawnaa ee Hirshabeelle waxaana ka sii horeeyay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Hirshabelle Ismaaciil Maxamed Culusow, ka dib markii uu sheegay inaanan lagala tashan xilkaasi.
Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xildhibaanada Hirshabelle iyo Odayaasha Dhaqanka qaarkood, ay Golaha Wasiirada cusub ku cadaadinayan in ay is casilaan, si Madaxweyne Waare uu wax ka bedel ugu sameeyo Golihiisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.