In kabadan 70 Xildhibaan oo dalbaday in dib loogu Laabto Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle.

Xildhibaan Maxamed C/raxmaan Khayrre oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in 71 Xildhibaan ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u gudbiyeen codsi ku aadan in aan Golaha la horkeenin oo dib loogu Laabto Wasiirada Cusub ee Hirshabeelle.
Xildhibaanadaan ayaa sheegay in magacaabista Golaha Wasiirada ay ka jirto qaladaad badan oo loogu xad gudbay Dastuurka Hirshabeelle, waxyaabaha ay ka cabanayaan ayaa salka ku haayo Tirada Wasiirada oo la sheegay in uusan maamulka xamili karin, Wasiirada oo la sheegay in ay ku jiraan dhalinyaro badan oo ka yar da’da qabashada Xil wasiir ee Dastuurka Hirshabeelle iyo awood qeybsiga beelaha oo ay ka jirto Cabasho sidaasna aysan suurta gal aheyn in Golaha la hor keeno.
Arintaan ayaa laga yaabaa in ay culees ku noqoto Madaxweyne Waare oo doonaya in uu wax ka qabto dhibaatada ka taagan Hirshabeelle.
Dhinaca kale Xildhibaan Xasan Maxamed Ibraahim oo sidoo kale ka tirsan Hirshabeelle ayaa ku taliyay in aan caqabad lagu noqon Golaha cusub ee Wasiirada lana siiyo fursad kadib dhaliil iyo amaanba ay Baarlamaanka u furan tahay.
Hirshabeelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee Federaalka Soomaliya ayaa waqtiga uu jiro ku mashquulsan buuq iyo is qab qabsi siyaasadeed waxaana dadkooda ay la daala dhacayaan dhibaatooyin ragaadiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.