Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha oo Amartay in la Fasaxo Shaqaalaha Maanta si ay uga qeyb galaan Xuska Dhalashada Nabigeena Muxamed(NNKH)

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Maanta  oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.
Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cadde Mukhtaar, ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed (NNKH) darteed loo fasaxay shaqaalaha dowladda.
Wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada nabageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.
Wuxuu u ku boorriyay shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.