Diyaarado Gargaar deg deg ah wada oo gaaray Dalka Yemen.

Wadanka ay dhibaatada ba’an ka taagan ee Yemen ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo gargaar deg deg ah oo dhinaca Bini-aadinimada kadib xaalad macluul ah oo aad u daran oo ay wajahayaan dadka ku nool dalkaasi.

Diyaarado siday gargaar dawo ah iyo shaqaale caalami ah ayaa saakay aroortii hore ka degey garoonka diyaaradaha magaalada Sanca ee dalka Yemen saddex toddobaad kadib markii isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudigu mamnuucay in wax gargaar ah la geeyo wadanka Yemen.

Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa waxa ay sidey daawooyin u badnaa tallaalka carruurta oo aad loogu baahnaa halka labada diyaaradood ee kale ee maanta gaaray magaalada Sanca ay sideen shaqaale Qaramada Midoobay iyo shaqaalaha hay’ada Laanqeyrta Cas.

Yemen ayaa aad looga deyrinayaa waxaana ku dhimanaya kumanaan yamaniyiin ah oo wajahaya xaalad qatar ah, Macluulshii ugu xumeyd ayaa ka taagan dalka Yemen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.