Qof shaqada Dowladnimo kor kasoo bilaabay Wax ma ka garanayaa dowladu sida ay u shaqeyso?W/Q Dr .Cabdi Aden

Adigoon waligaa shaqo dawladeed muddo ka soo shaqayn noocey ahaataba oo haba yaraatee aadan kusoo dhex barbaarin dhalinyaranimadeedii iyo intaad Dugsiyada iyo jaamicadaha dhiganeysay amaba aad joogtay dawlad shaqayneysa oo waqtigaagii intii badnayd ku soo qaatay burburkii oo hal mar dhalada ka soo galay hawlaha dawladnimo kana bilaabey wasiir hal sanaa tolow dawladnimad sey u shaqayso wax badan ma ka garanayaa qafkaasu?.

Tasaale gaaban baan soo qaadanayaa dhawr maalin ka hor baa wxaan dhageystay Dood golaha shacabku ka lahaa Gudigii loo xilsaaray arinkii Qalbi Dhagax waxaa ka mid ahaa gudigu arimuhuu soo ogaadaey in madaxda qaranka si khaldan arinka looga wargaley taasoo ay samaysey Hay`adda Nabad Sugidda Qaranka .

Xildhibaan ka mida Golaha shacabka oo lagu tiriyo qolada Dawladda mucaaradka ku aha ayaa wuxuu yiri hadey madaxda qaranku ogeyd waa musiibo arinka qalbi dhagax ,hadeysan ogeyn oo si khalada wax loo gaarsiiyeyna kaba sii daran.

Waxaan weydiin lahaa madax kastoo dawladeed ma Waxyi baa ku soo daga ay waxa jira ku ogaato oo markaas ku go`aan qaadato mase waxay ku talaabo qaadaan xogaha ay ka helaan hayadaha arimhaas u qaabilsan dawlada ay hogaaminayaan.

Marka in la yiraahdo madaxda dawladu hayadaheeda xogtey u keenaan waa danbi inay ku go`aan qaataan hadey ku go`aan qaataana oo dhaliilo ka timaado madaxdaasu uma qalmaan in masuuliyad ay qaadaan lagumana aamino karo hogaanka dalka waliba markuu waxaas akhrinayo xildhibaanku isku kalsoonida ka muuqata aqoontuu u leeyahay habka dawladnimadu u shaqayso .

Marka haduu aqoon u leeyahay habka dawladnimadu u shaqayso mucaaradna yahay inuu ka faa’iida raba khalad dhacay waxay ahayd inuu madaxda ku dhaliilo in hayaddaas khaladka soo gudbisay ay ahayd masuuliyiinta loo dhiibayo inay ahaadaan kuwo hawshooda aqoon u leh daacadna ah ayadoo aan ognahay hayad walba oo hawl haysaa inay wanaag badanna samayn karto khaladaadna gali karto tasoo nolosha ka mida .

Marka Ragga soo maray madaxnimo kor ka bilaabay waxaan kula talin lahaa ineynan isku qaadan niman meeshii u danbeysay ka gaaray aqoonta dawlad nimo hadiiba oo mar Jago weyn hal mar qabtay asaguna uusan isceebeyn caamadana una khaldin hana ogaado inta waxgaranaysaa inay aad ula yaabeyso indhocadeytooda aan meelna haysan.

Dr .Cabdi aden
waryaa53@hotmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.