Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Khudbad u jeediyay Baarlamaanka Golaha Shacabka.

jabuuti

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa Maanta khudbad ka hor jeediyay Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku lahaayeen Xaruntooda Magaalada Muqdisho taasi oo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.
Guddoomiyaha ayaa u sheegay Golaha Shacabka Soomaaliya in Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin Shacab walaalo ah oo aan marna kala maarmin Dowladda Jabuutina ay tabtay Garabkeeda Soomaaliya.
Xildhibaanada Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday in qof kasta uu is bar bar taago Dowlada Soomaaliya iyo in dalka ay ka dhalato Xasilooni siyaasadeed iyo mid amni.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.