Wasiir Yuusuf Garaad “Baasaboorka Soomaaliga culeysyo ayaa ka jira”

Wariirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay inuu culeys ka jiro Baasaboorka Soomaaliga wadamada qaarkood, dhibaatooyina ay kala kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay wadamada qaarkood Baasaboorka Soomaaliga in aysan aqoonsaneyn, ama culeysyo gaar ah ay saarayaan, taas bedelkeeda wuxuu codsaday in wadamadaas ay yareeyaan culeyska.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in wadanka Hindiya uu kala soo heshiisyay in ay Ardayda iyo dadka xanuunsan ee Soomaaliyeed u fududeeyaan Viisaha.

Yuusuf Garaad ayaa sidoo kale sheegay in hada uu socdo wada hadal la xiriira sidii loo dhameyn lahaa culeysyada ka jira Baasaboorka Soomaaliga, ayna rajeynayaan in ay xaliyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.