M/weyne Farmaajo oo la kulmay Culimo Soomaaliyeed oo Lacag ka soo Aruurshay Kenya iyo Uganda”Sawiro”

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay  Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Guddiga  dhaqaale uruurinta ee dalalka Kenya iyo Uganda uga mahad celiyey kaalintii ay ka qaadateen gurmadkii dadkii ay Dhibaatada ka soo gaartay dhacdadii 14 Oktoobar Ex Zoobe ee Magaaladda Muqdisho, waxaana uu ku ammaanay isxil qaanka ay sameeyeen.

sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa  Culimada Soomaaliyeed kala hadlay siddii ay kaalin uga qaadan lahaayeen wacyi gelinta bulshada iyo inay ka qeyb qaataan dagaalka dowladda ay kula jirto argagixisada, maadaama kooxdaasi ay ka been sheegeyso diinta Islaamka.

Culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda, ayaa  maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho,  waxaana ay sidoo kale la kulmeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Kheyre, iyaggoo Guddiga gurmad qaran  ku warreejiyey  $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.