Wax ka baro taariikhdii hore ee ardeydii dawladii ka caanka

1972 markii la qoray afka soomaaliga,ardeydii’qalinka ‘intay dhigeen ayey dadka bareen sida wax loo qoro,loon aqriyo.
1975 ardeydu waxay ka qeybqaateen samata bixintii dadkii abaaruhu saameeyeen.
1977diina waxay ka qeybqaateen xoreynii soomaali-galbeed.
1980 Qalinka inta ay dhigeen ayey ka qeybqaateen mashruucii shalanbood.
1991 illaa 2016 dhalinyarada iyo caruurta ardeyda noqon lahaa dagaalo sokeeye ee jabhadaha Qabiilka iyo is qarxinta alshabaab iyo weliba tahriibta saxaraha iyo bada laga qeyb galiyay
UJEEDO
…………………………………………………………………….
Dadka wax iska qorqora ee aan taariikhda wax ka ogeeyn miyeeysan ogeeyn in:
1974 dowladdii jirtey waxay u dirtey ardaydii dalka oo dhan miyiga, ololihii horumarinta reer miyiga ee lugu qoray farta Somaliyeed aheydna “Bar ama baro” .
Soomaaliya wuxuu ka dhigey dal kulligiis dadkiisu wax qoro oo akhriyo.
Dugsiyada inta aan ka aheyn fasalka 8aad iyo 4aad dugsiga sare iyo weliba dugsiga macalimiinta albaabk loo xirey.
Ma weeydaan ogeeyn in dalku dhallinyaradiisa markii loo baahdo loo diri karo dagaalka & difaaca dalka?
Ma weeydan ogeeyn in dalka da’yartiisa tahay 70% iyo in ka badan? Dalka yaa iska leh?
Madaxweynaha wuxuu xaq u leeyahay in inuu xiro dugsiyada oo dhan oo u diro ardeyda in ay dalka ka daafacaan kooxaha naflacaariga ah ee argagaxisada.
Hadalka nuxurkiisa waxaa weeye in Madaxweynaha uu ahaa dhalinyarada waa inay daafacaan dalka iyo dadka, taas kuma micneysan kartaan in dhalinyarada la farey inaysan waxbo baran oo qalinka iska dhigaan oo qoriga wada qataan oo waxbarashadii laga joojiyay.
Nina si u yiri, nina u fasirey sida uu rabo ayay ku soo wada aruureysaa dulucda qormadeyda.
Kuwa fashilan ee danleyda ah inay ka beec
Mushtaraan ma ahan waxaan meesha oolin .
Dowlada cusub wax qabadkeeda waa cad yahey , Inta qeylineyso fadlan dib u raac taariikhda ay dalkaan iyo mujtamiciisa ku dhex leeyihiin iyo howlihii ay ka soo qabteen kadib adiga kaligaa xisaabtan.
Wax kastoo dhaca Dowlada cusub fursad ay ku soo laabtaan kuwii Soomaaliya dhibka ku soo haayay ee laga reystey ma ahan.
Shacabka Soomaaliyeed ee Masaakiinta ah ee wadanka degan kaliya ayaa xaq u leh in laga dhageysto qalad iyo sax .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.