Askari ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Qof Shacab ah ku dilay Degmada Afgooye

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha ayaa sheegaya in Askari la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya uu Bartamaha Magaalada ku dilay Qof Shacab ah.

Qofka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Alle ha u Naxariistee Nuur Cali Xuseen,waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa Dadka Magaalada Afgooye.

Cali Nuur Cali oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Afgooye ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka uu Si bareer ah u dilay Nuur Cali Xuseen oo si weyn looga yaqaanay Magaalada Afgooye.

Ciidamada ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa dhowr Jeer Goboladda Dalka iyo Magaalada Muqdisho intaba ku dilay dad Shacab ah.waxaana weli sii socota Dilka Ciidamadu ay u geysanayaan dadka Rayidka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.