Madaxweynaha Jubbaland oo Amray in lasoo qabto nin gabadh tacadi u geystay

Ninkii 27-kii bishii October magaalada Boosaaso tacadi iyo dhibaato ugu geystay Faaizo Cabdi Xaye oo ah gabar 16 sano jir ah ayaa lagu daba jiraa, kaasi oo sida la sheegay ka tirsan Ciidanka Puntland.

Tacadiga ayaa yimid kadib markii ninka uu isku dayay in gabadha uu kufsado, balse ay Faa’isa ay ka dhega fureysatay, sidaasina uu gabadha ugu xoog sheegtay, kadibna uu xubinta Taranka kala dhacay Rasaas.

Gabadha dhaawaceeda ayaa durbadiiba waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku booqdeen Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo dadweyne kale.

Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo arrintan dib kala buraarugtay ayaa amartay in gacanta lagu soo dhigo ninkaasi tacadiga naxariis darada ah u geystay gabadha.

Eedeysanaha ayaa markii uu maqlay in lagu daba jiro wuxuu cabsi iyo qalqal darted wuxuu nafsadiisa kaa soo baxsaday magaalada Boosaaso, isaga oo gabaad ka soo raadiyay Guriga Guddoomiyaha magaalada Kismaayo oo uu ku soo degay.

Balse Puntland ayaa durbadiiba la soo xiriirtay Jubbaland waxayna u sheegtay ninkaasi in la raadinayo oo dambiile uu yahay.

Madaxweynaha Jubbaland oo telefoon kula hadlay Guddoomiyaha Kismaayo iyo laamaha amniga ayaa amray in gacanta lagu soo dhigo ninka, wuxuuna ninka baxsaday guriga Guddoomiyaha, Ciidamada ammaanka ayaa xalay Howlgallo lagu raadinayo ninkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.