Madaxwaynaha Soomaliya Ayaa Booqday Wasaarada Gashaandhiga oo ay ka socdaan qorshaha Alshabaab lagaga Sifaynayo dalka”Sawiro”

far

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo booqday xarunta wasaaradda Gaashaadhigga ee magaalada Muqdisho oo uu ka socdo qorshihii ciidan ee Alshabaab looga sifayn lahaa dalka Soomaliya, Madaxweynaha Soomaliya oo ay wehliyaan saraakiil iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaliya ayaa la sheegay in kulanka uu saraakiisha la leeyahay uu ku saabsan yahay howlgallada dagaal ee ka socda Gobollada dalka.

Madaxweyne Soomaliya waxaa xarunta gaashaandhigga ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ahna Ku simaha Wasiirka iyo Saraakiisha ugu sarrayso Ciidanka Xoogga Dalka waxayna
Madaxweynaha soomaliya uga warbixiyeen abaabulka ugu dambeeya ee Ciidanka Xooggu ay ugu diyaar garoobayan dagaalka ballaaran ee argagixisada Alshabaab lagaga sifaynayo dalka.

Dowladda Soomaliya ayaa wada qorshe duulaan ay ugu tahay dagaalyahanada Xarakada al-shaabab, iyadoo haatan ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaliya ay dhaq-dhaqaayo ciidan ay ka wadaan deeganada Gobolka Shabeelaha Hoose iyo qaybo kale oo kamida gobolada dalka.
far

far

far

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.