AMISOM oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka bilowday Sh/Hoose

Ciidamada AMISOM ayaa Gobolka Shabeellaha Hoose ka bilaabay hawlgal ballaaran oo ay kula dagaalamayaan ururka Al-Shabaab, waxayna Ciidanka AMISOM ku sugan yihiin wadooyinka muhiimka ah ee Gobolka.

Lt Col Bagenda, oo ah Taliyaha Ciidamada Holwgalka Uganda qeybta 11-aad ayaa sheegay Ciidanka AMISOM oo garab ka helaya kuwa xoogga in Holwgal culus ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, si la isugu furo wadooyinka Muqdisho iyo Shabeellaha Hoose, si ay u soo laabtaan adeegyada caadiga ah ee wadooyinkaasi.

“Hadafka howlgalka maanta waa in aan ka cirib tirno Al-Shabaab goobaha guud, dabcan wad ogtahay in AMISOM ay halkan u joogto si ay u taageerto ciidamada ammaanka qaranka Soomaaliyeed oo nooga sii horreeya hawlgalka, Ayuu yiri Israel Kaheru Bagenda, Taliyaha ciidamada Holwgalka Uganda qeybta 11-aad.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay Ciidamada AMISOM oo aad u hubeysan garabna ka helaya Ciidanka xoogga in ay howlgalka ka bilaabeen degaanada duleedka ka ah Afgooye, Balidoogle, Ceelasha-biyaha, Ciraaq, Basra, iyo degaano kale.

Wuxuu kaloo sheegay Ciidanka AMISOM ujeedka ay Soomaaliya u joogaan in ay tahay in ay ka go’an tahay sugidda ammaanka Soomaaliya, sidoo kalena door weyn ka ciyaaraan geeddi-socodka xasilinta.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ayaa ku guuleystay in Al-shabaab ay ka saaraan meelo badan oo ka mid ah dalka, oo ay ku jiraan magaalooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.