Gaadhi looga shakiyay qarax oo saaka loo xidhay wadad xamar ja-jab

Ciidamada ammaanka ayaa saaka xiray agagaarka Isgoyska Xamar Jajab, halkaasoo la dhigay gaari looga shakiyay inuu qarax saaran yahay, iyadoo dadka iyo gaadiidka laga celinayay wadadaas.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa Caasi saaka wadada dhinaceeda la dhigay, isla markaana uu muddo yaalay, waxaana mar dambe ay dadka uga shakiyeen inuu qarax saaran yahay.

Ciidamada Booliska ayaa durbaba xiray inta u dhaxeysa Isgoyska Ceel Gaabta iyo Xamar Jajab, waxaana istaagay baabuurtii halkaas mareysay ee aaday dhanka Dekeda illaa Xamar weyne.

Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga laga shakiyay uu saaran yahay Kalluun, waxaana goobta la dhigay aan la ogeyn in Parking ahaan loo dhigay iyo in kale.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay baabuurta laga shakiyay ee waddooyinka la dhigo, waxaana gaarigii ugu badnaa 30 daqiiqo wadada looga tago dadka ay durbaba dadka uga shakinayaan inuu qarax saaran yahay, waxaana dhowr jeer hore dhacday in wadaha gaariga wadada ugu tago uu yimaado mar dambe oo dadka ay kala carar iyo wal wal soo wajahday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.