Madaxada Amisom iyo Safiiradooda ayaa Sheegay in diyaar u yihiin Fulinta Amarkii Madaxwaynaha Soomaliya ee laguga dagaalamayo Alshabab”Sawiro”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa kulan muhiim ah la yeeshey hoggaanka Ciidamada Amisom, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa Amisom.
Inta uu socday kulankaasi waxaa siweyn loo gorfeeyey mideynta qorshaha dagaalka iyo abaabulka dalka looga ciribtirayo Alshabaab iyada oo sidoo kale la isla meel dhigay kaalinta misom ay ka qaadanayso dagaalka.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada  ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgalada uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaliya, iyaga oo tilmaamay in midnimada go’aanka iyo qorshaha Madaxda Soomaaliya heer qaran iyo heer dowlad goboleed ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgyada dalka.
farmajo

far

ciidan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.