(Sawirro)Axmed Madoobe oo xalay la kulmay Xildhibaanada labada gole ee laga Soo doortay degaanada Jubbaland

Axmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe)  Madaxweynaha Maamulka  Jubbaland ayaa  Xalay casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland.

Kulankan wuxuu ahaa mid Madaxweynahu uu Xildhibaanada uga xog-waramayay xaaladaha deeganada Jubbaland iyo mid guud ee dalka gaar ahaan Arimaha la xiriira sidii Xildhibaanadu ay deeganadii laga soo doortay dib ugu noqon lahayeen isla markana hawlaha jira uga qayb qaadan lahayeen.

Sidoo kale Axmed madoobe ayaa waxaa uu Xildhibaanada u sheegay in muhiim ay tahay inay qeyb ka qaataan sidii Dagaalamayaasha Al-Shabaab loogu saari lahaa deegaanada Maamulka Jubbaland,isagoona ku taliyay in sida wadajir loogu wada shaqeeyo Hormarka Deegaanada Maamulkaas.

Xildhibaanada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay mushaarkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan ay kaga qayb qaatan dagaalka Argagixisada lagula jiro oo ay furimaha tagaan ciidamadana dhiiri galiyaan.

Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay in uu hadba ku xiran yahay sida loo wajaho marxaladaha jira iyo in sharciga la ilaaliyo iyadoo arimaha masiiriga ahna Dowladu ay ka talo galiso Dowlad Goboleedyada.

Halkan ka Daawo Sawirada

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.