Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan Ammaanka looga hadlayo la leh M/weyneyaasha Maamulada iyo Taliyaasha Ciidamada

deg
Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Hadda Kulan Deg Deg ah oo Ammaanka looga hadlayo uu ka socdo Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana Kulanka ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya,Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada iyo Saraakiisha Ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa ah mid Warbaahinta aan loo ogeleyn,waxaana la sheegay in Diiradda lagu saarayo Ammaanka Dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay Dagaal la gelin doonto Al-shabaab  islamarkaana Dalka laga saari doono si looga Jawaabo Weerarkii Musiibada ahaa ee lagu laayay Dadkii 14-kii October lagu Xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Warar aan helnay ayaa sheegaya in Galabta la soo gaba gabeyn doono Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada  ee Maalmahaan ka socday Madaxtooyada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.