Daawo: Axmed Madoobe In lagu Bartay Miyaadan Laguu sheegin iyo isagoo ku gafay Shacabka Soomaliyeed iyo Madaxdooda

madoobe

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed ayaa ka hor yimid dadkii la laayey oo hal daqiiqo loogu aamusay oo loogu baroortay iyo weerka loo xirtay, kadibana ummaddii soomaaliyeed iyo madaxdeedii oo dhan meesha shirka ah ku af la’gaadeeyey Qaab hadalka noocaan ah dhaqanka dowladnimo xagee kaga jiraa! waana hadal xurmo daro iyo gaf ku ah shacabka iyo Dowlada Soomaliya.

Hadalkaan ayaa moodaa inuu Axmed madoobe Baaq ugu diraayey kooxii argagixisada ee uu ka tirsanaa mana ahan mid ummada Soomaliyeed wax tar u ah mana ahan dhaqan wanaagsan waana xurmo daro.

Hadalka Axmed madoobe baa u eg inuu fadhiyo meel qaldan iyo Shir aysan ahayn in uu ka qayb galo, xurmo aanu layn qofkii la siiyo waxaan loo joogin baa ka yimaada.

Hadalka Axmed madoobe ayaa ah mid Shirka agendihiisa daba marsan waxaana laga filayaa inuu raali galin kabixiyo gafkii uu umada soomaliyeed u gaystay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.