Al-Shabaab oo Bilaabay in miinooyin ay ku aasaan gobalka Shabeelaha hoose.

Cali Nuur Maxamed gudoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeelaha hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay bilabeen in miinooyin ay ku aasaan Deegaanada ka Tirsan Gobalkaas.

Sidoo kale waxaa uu Xusay in labo miino dhawaan laga soo saaray inta u dhexeysa ceelasha biyaha iyo Xaawo Cabdi oo kawada Tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiye ku xigeenka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Waxaa uu faahfaahiyay Sababta keentay in Al-Shabaab ay miinooyin ku aasan Gobalka Shabeelaha hoose,Waxaa uuna  Sheegay in Taasi ay keentay kadib markii dowlada federaalka soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Hayeeshee CalI nuur ayaa waxaa uu xusay in dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka socdaan Deegaanada Gobalka Shabeelaha Hoose,kaasi oo ku aadan sidii Al-Shabaab loogu saari lahaa gobalkaas Meelaha ay kaga Sugan yihiin.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa marar badan waxaa ay miinooyin ku aasay deegaano ka Tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose,iyadoona inta badan Khasaaraha uu ka soo gaaro Dadka Shacabka ee aan waxba galabsan iyo Askarta tirsan Ciidanka Dowlada Federaalka Soomaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.