Wadada Zoobe oo dib loo furay

Ciidamada ammaanka Dowladda ayaa dib u furay saaka wadada Zoobe, kadib qaraxii 14-kii Bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, halkaasi oo ay ku nafwaayeen dad aad u fara badan.

Tan iyo maalintii uu qaraxa dhacay illaa shalay waxaa socday hawlo kala duwan oo ku aadan gurmadka dadkii masiibada ay qabsatay iyo dayactirka wadada laamiga ah ee qaraxa uu saameeyay.

Maamulka Gobolka Banaadir oo juhdi badan ku bixiyay dib u dayactirka wadada ayaa ku guulaystay muddo isbuuc ah in la hagaajiyo wadadaasi, waxaana saaka ay tahay mid si caadi ah u shaqeynaysa.

Waxaa halkaasi laga qaaday dhagxaantii waaweynayd ee wadada ku jarnayd, sidoo kale waxaa guud ahaan wadada laga nadiifiyay burburka dhismooyinkii halkaasi ku soo dumay.

Gaadiidka ayaa si caadi ah u isticmaalaya wadada, halka markii hore ay ka xirnayd wadada Isgoyska Banaadir, dhinaca kalena ay ka xirnayd Isgoyska Laami yaraha Zoobe oo ciidamada ammaanka dadka iyo gaadiidkaba ay u diidayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa xalay soo bandhigtay tirada guud dadkii waxyeelada ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe, waxaana tirada ay noqotay 642 ruux oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo dad la waayay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.