Olahala Doorashada Soomaaliland oo maanta ka bilaabanaysa Deegaanada Soomaaliland

Waxaa  gudaha magaalada Hargeysa si rasmi ah  ugu balaabanaya olalaha doorashada madaxtooyada Somaliland , kaas oo magaalada lala dhex wareegaayo baabuur ay saaran yahiin cod baahiyayaa

Olalahan caawa Bilowdey ayaa waxaa bilaabey xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo isagu ah xisbiga ugu horeeya Olalaha doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Xisbiga UCID wakhtigiisa olalaha ee caawa bilowdey waxaa uu si rasmi ah uga xidhmi doona 6 habeenimo oo habeen danbe

Guddiga komishanka Qaranka Somaliland ayaa kulan xafiiskooda ay kula qaateen masuuliyiinta xisbiyada Qaranka ee WADDANI,UCID iyo KUlMIYE waxay ku shaaciyeen habka ay u kala horeynayaan saddexda xisbi qaran wakhtiga Ololaha doorashada.

Dhawaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo deegaanada Soomaaliland,iyadoona diyaar garowga laga dareemayo deegaanada maamulkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.