Haweeney Bastoolad ku hubeysan oo qof shacab ah ku dishay Muqdisho

Haweeney ku hubeysan Bastoolad ayaa xalay qof shacab ah ku dishay degmada Warta Nabadda ex Wardhiigley ee gobalka Banaadir sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Xamar Bile ee degmadaasi waxaana Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Xasan Qoor la sheegey in uu ka mid ahaa odayaasha Caanka ka ah deegaankaasi.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in qof dumar ah oo soo xeratay Dharka Ciidanka Booliska Soomaaliya kuna hubeysneed Bastoolad ay rasaas ku furtay Marxuumka isagoo fa-dhiyay goob ay shacab ku sugnaayeen.

Dilka ka dib ayaa la sheegay in ay goobtaasi ka baxsatay haweeneydii dilka fulisay.

Waa dilkii ugu horeeyay ee nuuciisa oo kale ah ka dhaco Muqdisho, dilalka Bastoolada ku hubeysan waa ay ku badnaayeen balse ma jirin Dumar ka qeyb qaata.

Lama oga sababta keentay dilkaan sidoo kale lama oga cidda ka danbeysa mana jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Dilkaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.