Ciidamada DF oo Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose oo maalmihii dambe ku guda jiray abaabul Millatrai ayaa maanta ururka Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Masuuliyiinta maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa  sheegey in Ciidamada ay gaareen degaanada Mareerey, Sabiible iyo Caanoole oo dhammaantood dhaca duleedka degmada Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax)  ayaa sheegay in Ciidanka ay xaqiijinayaan degaanada ay la wareegeen, wuxuuna tilmaamay Shabaab in ay isaga baxeen degaanadan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalinta berri ah la filayaa in uu ku dhawaaqo in dalka uu galay xaalad dagaal oo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.