Talyaaniga oo Malaayiin doolar ugu deeqay Soomaali,si wax loogu qabto dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay ku deeqday lacag dhan 300,000 oo Euro si ay u siiso Bisha Cas ee Soomaaliyeed,kadib Qaraxii lagu xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsanin ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,kaaasi oo ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Wasiir  Angelino Alfano ayaa waxaa uu tilmaamay in Talyaaniga uu taageeradiisa Soomaliya uu sii wadi doono,balse si gaar ah waxaa lagu sheegay in talyaaniga ay door muhiim ah ka qaadanayso sidii ay gurmad ugu fidin laheyd muwaadiniinta soomaaliyeed ee lagu laayay isgooska Zoobe.
“Waxaan balanqaadaynaa inay sii wadi doono taageerada aan siinayso Soomaaliya,300,00 oo Euro waxaan ugu tala galnay in wax looga qabto Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Magaalada” Sidaasi ayaa waxaa lagu yiri warkan qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska wasiirka arimaha dibada Dalka Talyaaniga.
14 Bishan ayay markii Shacab aan waxba galabsan lagu xasuuqay isgooska zoobe ee magaalada muqdisho,iyadoona Dad badan ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen,inkastoo markii ay mashaqada dhacday ay dalal badan gurmad u sameeyay Shacabka ku dhaawacmay qaraxa.
Hayeeshee weli waxaa soconaya gurmadka loo sameynayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Zoobe ee Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.