Daaw+Sawiro:Aas maanta Kismaayo loogu sameeyay xildhibaan lagudilay Kismaayo iyo Cabsi soo wajahday Xildhibanada Jubbaland

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Kismaayo aas loogu sameeyey Xildhibaan Cabdi Xakiin Jaamac Cumar, oo kamid ahaa Xildhibanada Jubbaland oo xalay Lagu dilay Xarunta Ku meel gaarka ah maamulka Jubbaland ee Kismaayo.

Aaska Xildhibaanka ayaa ka dhacay qabuuraha Baar Caleen ee Magalada Kismaayo waxaa aaska xildhibaanka ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland, qaybaha bulshada ee magaalada Kismaayo waxaana aaska ka qayb galin madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe.

wararka aan ka helnay Kismaayo ayaa in Marxuumka uu dilkiisa geesaty nin ku libisan dareeska Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland kadibna goobta ka baxsaday, ciidamada Nabadsugida Kismaayo ayaa waxay ka gaysteen dilal,dhac iyo jirdil ku lid ku ah qayabaha kala duwan ee Bulshada Jubbaland ee Kismaayo Kusugan.

horeyna waxaa kismaayo kabaxsaday xildhibaano badan oo kala aaday magalada Muqdisho iyo degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.