Maamulka degmada kaxda oo Gacanta ku dhigay dad iibinayay waxyaabaha maanka dooriya

Ciidamada Ammaanka ee Degmada kaxda ayaa howlgallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmadaas, ku soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ku howlanaa sameynta waxyaabahaasi oo ay ka midyihiin xashiishad iyo fuustooyin oo lagu karinayay qamriga macmalka ah ee loo yaqaan calaq.

Guddomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C.llaah oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa waxaa uu Sheegay in 6 fuusto oo waaweyn iyo shan nin oo la sheegay inay sameynayay Waxyaabaha maanka dooriya iyo gaarigii lagu qaadi jiray waxyaabahaas.

Mudooyinkii dambe ayay aheyd markii Maamulka Degmada kaxda Howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo,islamarkaana looga hortagayo falalka Amni daro ay ka Sameynayeen  Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaas,iyagoona sidoo kale sameynayay  howlgalo lagu soo qab-qabanayo Dadka iyagu iibiyaha waxyaabaha Maanka dooriya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.