Shariif Xasan oo ka hadlay Dagaal ka dhan ah Shabaab

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, AMISOM ay ku doonayaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka gaar ahaan degaanada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo AMISOM in hada ay wadaan dadaalo ku aadan sidii Shabaab ay dalka uga saari lahaayeen, lana sii kordhinayo howlgalada.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale sheegay Madaxdii Maamul Goboleedyada ee isugu tagtay magaalada Kismaayo in ay isla garteen sidii Dagaal mideysan loola geli lahaa Shabaab.

Wuxuu soo hadal qaday Howlgalka AMISOM, wuxuuna sheegay inaan weli la gaarin xilligii AMISOM ay dalka ka bixi lahaayeen, maadaama weli uu dhiman yahay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Degaanada u dhaxeeya Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa la sheegaa in ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo inta badan wadada u gala Gaadiidka Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.