Dowlada Soomaliya ayaa laxaajoonaysa Gudoomiyahaa Cusub ee Gaas iyo Maamulada kale oo kasoo horjeestey

Shirkii Maamul goboleedyada ayaa waxaa Lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Kismaayo kasoo oo laga soo saaray War Murtiyeed ka kooban 16 Qodab waxaana kamida inay yeeshaan maamul goboleedyada Gole iskaashi oo uu Gudoomiye u yahay Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Gaas

Dowlada Soomaliya ayaa waxay Sheegtay inay kala hadlayso Gudoomiyaha Cusub ee maamul Goboleedyada ahna Madaxwyanaha Puntland Cabdiwali Gaas qodabadii ay kasoo saareen shirka maamul Goboleedyada ee lagusoo gaba gabeeyey Magaalada Kismaayo.

Maamul Goboleedyada ayaa ka horyimid in madaxwayne Gaas kaligiis lakulmo Dowlada Federalka ka ah ee Soomaliya kalana Xaajoodo arimaha laysku hayo waxayna sheegen inaysan ahayn micaha loo doortay Gudoomiyaha cusub inuu dowlada la xaajoodo kaligiis.

Hadii ay hirgasho dalabka Dowlada Soomaliya ee ah in ay lakulanto oo kaliya madaxwayne Gaas oo matalaya maamul Goboleedyada in uu burburaayo heshiiskii kismaayo ku gaareen maamul goboleedyada, iaydoo loo sababeynaayo maamul goboleedyada oo aan isku kalsoonayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.