Hayaanka Horumarka Degmada Ceelcade W/Q Cabdikariin cismaan Cabdi-Yarow

ceelcade

Wixii ka danbeeyay bishii koowaad ee sanadi 2016-ki dagmada Ceelcadde waxay noqotay dagmada ugu caansan gobalka Gedo. Waxaa magaceeda lagu daabacay dhammaan wargaysyada aduunka oo afaf kale duwan ku qoran waxayna in muddo ah ahayd meelaha loogu hadal-hayska badanyahay qaarada Afrika.
Caan-bixiddaan ayaa ku timid dagaalki qasaaraha badan lagu gaarsiiyay ciidamadii Kenya ee daganaa dagmada Ceelcadde. Dagaalkaas ka hor way yaraayeen dadki yaqaanay dagmada. Sidoo kale ma dhicin dhacdooyin kale oo waaweyn ama xusid mudan oo ka danbeeyay dagaalkaas oo dagmada soo maray. Intaas waxaa dheer ma dhicin dadaallo lagu caddaynayay wajiga runta ah ee dagmada kuwaasoo garab socday wararka dhiillada iyo colaadda xambaarsan ee dagmada laga sheegayay.

Sidaas awgeed dad badan ayaa arintaas waxay ku dhalisay in dagmadu tahay golo colaadeed iyo meel lama galaay ah. Kuwa badan oo markaas magaca dagmada ugu horaysay waxay u qaateen inay tahay meel aan magaalo ahayn oo xero ciidan ahayd, qaar waxay u qaateen tuulo dhawaan la yab-yabay. Hadaba waxaan jeclaystay inaan bixiyo sawirka dhabta ah dagmada si aysan taariikhda ugu galin sheeko hal waji leh. Dagaalka meesha ka dhacay xaq iyo xaq darro midkuu ahaa kuma saabsana qormadaan ee waxay kaliya tilmaamaysaa in dagmadu leedahay waji ka duwan kan idaacadaha dalka iyo kuwa dunida laga faafiyay.

CEELCADDE WAA TUMA ?

Ceelcadde deegaan ahaan waxa ay dhacdaa bartamaha gobalka Gedo dhul daaqsimeedka joogiisa sareeyo ee diirharo waxa ayna dhanka galbeed 60 km kaga beegantahay magaala madaxda gobalka gedo ee Garbahaareey.

Dagmada Ceelcadde waxaa la aas aasay xornimadii dalka ka hor afar sano sandkii 1956 waxaa dagmanimadeeda si toos ah loogu aqoonsaday xiligii dawladii kumeelgaarka ee Allaha u raxmadee mudane CABDULAAHI YUUSUF sanadii 2006.

Burburkii dawladii dhaxe ee dalka kadib Ceelcadde waxa ay ku tillaabsatay horumaro la taaban karo oo dhinacyo kala duwan ah sida waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, iyo dhismayaadha kuwaasoo u suura galisay in ay hesho dagmanimadeeda.

WAXBARASHADA

Schoolkii ugu horeeyay Ceelcadde waxaa laga furay sanadii 1993 koos oo ka koobnaa uun dugiga hoose iyo dhexe waxaana maamuli jirtay hay’ada NCA iyo dadka deegaanka. Waxaa sidoo kale waxbarashada dagmada wax kusoo kordhiyaya hay’ada khayriga ah ee IQRA. Waxaa sanadii 2001-di ay hay’ada NCA hirgalisay dhismayaal dhagax ah oo ka koobnaa dugsuga hoose iyo dhaxe.

Sanadii 2005 waxaa Ceelcadde laga dhisay dugsigii sare ee ugu horeeyay guud ahaan gobalka Gedo burburkii dawlada dhexe ee dalka kadib taas oo ka dhigaysa Ceelcadde hogaanka waxbarashada gobalka gedo maantay aan joogno.

Sanadii 2013-ki Ceelcadde waxaa laga dhisay machadka diiniga ah ee ALFURQAAN kaas oo lagu barto culuumta kala duwan ee diinta ah iyo carabiyada una dhigmo heerka waxbarshada dugsiyada sare taas oo ka dhigan in shahaadada machadka aad ku tagi kartid jaamacadaha dal iyo dibadba.

Sanadii 2014-ki waxaa dagmada ceelcadde laga furay machadka JUBA TECHNICAL COLLEGE kaasoo lagu barto caafimaadka gaar ahaan qaybta Kalkaalisinimada iyo farsamada gacanta waxaa uuna hoos tagaa jaamacada MUQDISHO (Mogdishu University). machadku waxa uu bixiyaa shahaado labo sano oo diploma ah oo caafimaadka ah taas oo labada sano oo kale aad kasii dhamaysan kartid jaamacada MUQDISHO.

CAAFIMAADKA

Ceelcadde waxay noqotay meealaha ugu wanaagsan xagga adeegga caafimaadka. Waxay kulmisay labo isbitaal oo bulshada u adeega iyo farmashiyayaal badan oo si khaas ah looleeyahay. Labada isbitaal mid ka mid ah oo dagmada laga hirgaliyay sandii 2004 Isbitaalka ayaa heer gobal ah oo dhamaan qalabkii isbitaal u dhamaystiranyahay wuxuuna bulshada ka kaafiyay in ay safar dheer ugalaan raadinta goob caafimaad oo ay isku daweeyaan.

DHAQAALAHA

Ceelcadde dhanka dhaqaalaha waxa ay ku tiirsantahay xoolaha nool, beeraha iyo dadka deegaanka udhashay ee qurba joogta ah.
Deegaanka ay dhacdo dagmada Ceelcadde oo uu Eebe ku mannaystay burwaaqada geedaha ayaa ka dhigtay in ay noqoto deeganada ugu xoola dhaqashada wanaagsan guud ahaan dalka gaar ahaan gobalka Gedo. Sidoo kale waxaa ay dagmada Ceelcadde leedahay dhul beereed la beerto labada xili ee roobka (guga iyo dayrta), waxaana ka baxa dalagyo kala duwan sida masagada, (labadeeda nooc) digirta, qaraha, sisinta iyo kuwa kale oo badan. Wax soosaarka beeraha ayaa dagmada ka dhigay mid ilaa xad isku filan xagga quutka la cuno.

DHISMAHA

Sanadahaan danbe Ceelcadde waxaa aad ugu soo badanaayay dhismayaal aad u badan taas oo si aad ah looga dareemay dagmada. Dhismaha sida xooliga ku socdo ayaa keenay kobac dhaqaale kaasoo soo jiitay dad badan ka yimid deeganada ku xeeran dagmada iyo meelo ka durugsan intaba. Dadka kasoo guurayo miyga, kuwa soo raacay nolosha ka jirto dagmada iyo kuwa kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay deenada kala duwan ee dalka ayaa si aad ah u kordhiyay tirada dadka ku nool dagmada.

Nabadda
Horumarka balaaran ee aan kor kusoo xusnay waxaa saldhig u ahaa xasiloonida ka jirtay Ceelcadde. Dadka ku nool dagmada oo ah dad nabadeed iyo cuqaal waayo arag ahaa oo dagmada taladeeda gacanta ku hayay ayaa suura galiyay in dagmadu ka badbaaddo dagaaladi foosha xumaa ee qabaailllada ree Gedo u dhaxeeyay. Inkastoo ay marar kala duwan dagaalo siyaasadeed ay ka dhaceen Ceelcadde, marnaba kama aysan qayb qaadan dagaaladi wajiyada badnaa ee gobalka soo maray.

Mowqifkaan wanaagsan ee dagmadu qaadatay waxay horseeday in Ceelcadde loo aqoonsado dagamada nabadda ee gobalka Gedo. Waxay noqotay madal lagu soo hirto dadkuna ku nabad galaan. Hasa ahaatee, ayaamihi danbe waxaa dagmada saameeyay dagaalo siyaasadeed oo aysan iyadu dooran dadkeeduna aysan qayb ka ahayn.

Gunaanad
Ceelcadde waxay ka mid tahay dagmooyinka da’da yar hadana sida xowliga ah u koray. Waxay samaysay horumar balaaran oo dhinacyo badan ah waxayna siyaabo kala duwan usoo jiidatay indhaha caalamka iyo kuwa dalka. Waxay tusaale fiican u noqotay dagmooyinka Jubaland waxayna ku tilmaamantahay nabad, waxbarasho iyo dad-diimeed.

Wabillaahi tawfiiq.

W.Q. Cabdikariin cismaan Cabdi-Yarow
Email: yaroow002@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.