Daawo:Xildhibanada Galmudug oo sharci daro ku tilmaamay Shirka Kismaayo kasocda eedna dusha kaga Tuuray Axmed Madoobe

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inuu sharci daro uu yahay Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Caawa kismaayo ugu furmay isla markaana uu ka qeyb galayo Madaxweynahii hore Galmudug Xaaf.

Xildhibaan Axmed Yuusuf Xasan Ciyoow oo aqrinaayey warsaxaafadeedka kasoo baxay Baarlamanka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay xaq u leedahay in lagu tixgaliyo Jiritaanka Maamulkooda iyo qadarinta in ay kamid yihiin Maamulada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in shirkaasi lagu marti qaaday Madaxweynihii hore Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xil ka qaadis ku sameeyeen, shirka ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu cuuryaaminayo Jiritaanka ummada Soomaaliya .

Qodobo kamid ah Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayuu sheegay in uu shirkaasi kahor imaanayo waxa uuna tusaale usoo qaatay:- Qodobka 52-aad, farqadiisa 2-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda federaalka Ah ee Soomaaliya iyo qodobka 51-aad, farqadiisa 2-aad, Xarafka A iyo B ee Dastuurka Galmudug, sidoo kalane waxa uu sheegay in qodobka 1-aad, Farqadiisa 2-aad ee Dastuurka Galmudug kahor imaanayo Shirkaasi sida uu hadalka udhigay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.