Dwolada Jarmalka ayaa Soomaliya ugu deeqday lacag kabadan 120 Milyan

lacag

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi C/laahi oo lagu casuumay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 27 ee ka soo wareegatay midowgii labada Jarmal ee bari iyo galbeed ayaa hambalyo u direy dowladda iyo shacabka Jarmalka, isagoo ka codsaday in labo laabaan taageeradooda Soomaaliya.

Danjiraha dowlada federaalka Jarmalka ee Soomaaliya JUTTA FRASCH oo ka hadlaysay munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 27 ee ka soo wareegatay midowgii labada Jarmal ee bari iyo galbeed oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in Jarmalku uu labada sano ee soo socota ugu deeqay Soomaaliya lacag ka badan USD 122 Milyan, taas oo lagu bixin doono kobcinta dhaqaalaha dalka, ka soo kabashada abaaraha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.